Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee loo kala badiyay ciyaarihi xalay ee Europa League


Natiijooyin lama filaan noqday ayaa kasoo baxay ciyaarihi xalay ka dhacay magaalooyin ku yaalla Yurub, ciyaarahaas oo ka tirsanaa is aragga koowaad ee wareegga siddeeda koox ee koobka Europa League.

Liverpool oo loo saadaalinayay in ay koobkan ku guuleysan doonto, ayaa khasaaro xoog leh kala kulantay ciyaar ay la dheeshay kooxda Atalanta ee dalka Talyaaniga. ciyaarti xalay oo ka dhacday gagida Afield ee magaalada Liverpool, ayay Atalanta ku badisay 3-0. Laba ka mid ah goolasha waxaa saxiixay laacibka weerarka ka ciyaara Gianluca Scamacca halka goolka saddexaad ee quusiyay Liverpool uu dhammaadki ciyaarta saxiixay Mario Pasalic.

Si ay Liverpool ugaarto wareega xiga ee Semi-finalka, ayay Khamiista danbe u baahnaan doontaa in ay Atalanta uga soo badiso 4-0.

AC Milan oo aanan waligeed qaadin koobka Yurub Leage, balse ah kooxda labaad ee ugu hanashada badan koobka Champions League Yurub, ayaa ciyaar ay xalay garoonkeeda San Siro ku martigelisay naadiga Roma ku khasaartay 1-0.

Goolka guusha ee Roma waxaa daqiiqaddii 17-aad madaxa ugu dhaliyay laacibka difaaca dhexe ka ciyaara ee Gianluca Mancini. Milan, oo aanan soo bandhigin ciyaarihi todobaadyadi dhawaa looga bartay ayaa u baahnaan doonta in ay Roma kaga badiso 2-0 ama wax ka ka badan, marka ay todobaadka danbe isku arkaan magaalada Roma, si ay ugu gudubto wareega afar dhamaadka.

Kooxdaha xalay badiyay waxaa ka mid ah hogaamiyaasha horyaalka Jarmalka ee Bayer Leverkusen, oo xilli ciyaareedkaan aanan marnaba dhinaceeda dhulka la dhigin dhammaan ciyaaraha ay dheeshay, ee horyaalka Jarmalka, kan koobka Jarmalka iyo horyaallada Yurub. Waxay 2-0 xalay ku garaacday West Ham United oo ka dhisan Ingiriiska.

Liverkusen oo Axadda soo socota ku guuleysan karta horyaalka Bundesligaha Jarmalka, ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyay xalay Hofmann iyo Boniface.

Ugu danbeyntiina, kooxda difaacaneysa horyaalnimada Bortuqiiska ee Benfica ayaa 2-1 ku garaacday naadiga Olympique de Marseille ee dalka Faransiiska.

Labada gool waxaa Benfica u kala dhaliyay Rafa Silva iyo Angel Di Maria.

Lugta labaad ee wareeggan sideedda ee koobka Yuruba Liig ayaa la dheeli doonaa Khamiista soo socota.

Madal

XS
SM
MD
LG