Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arsenal oo 14 sano kadib u soo baxday wareegga siddeedda ee UCL


Kooxda Arsenal ayaa xalay rigoorayaal ku garaacday kooxda FC Porto si ay u gaarto wareega siddeedda ee Champions League markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2010.

Celcelis labadii kulan ee kooxahan ayaa noqday 1-1, kadib markii Arsenal ay heshay gool barbar dhac ah.

Leandro Trossard ayaa qeybtii hore ee ciyaarta Arsenal u dhaliyey gool 1-0 ay Arsenal ku badisay lugtii labaad garoonka Emirates kadib guuldaradii ka soo gaartay Portugal.

Markii rigooraha la aaday ayaa Arsenal ku badisay 4-2, iyada oo goolhayaha Arsenal David Raya uu badbaadiyay laba rigoore, isaga oo Arsenal geeyay wareegga siddeedda.

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG