Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa kusoo kordhay maxkamadeynta Donald Trump?


Donald Trump
Donald Trump

Maanta oo Khamiis ayaa lagu wadaa in maxkamadda degmada Manhattan ee magaalada New York dib u amba-qaaddo dhageysiga kiisaska dacawadeed ee ka dhanka ah madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Kiisaska ayaa waxaa ku jiro kiiska sumcad-dilista ah, kaas oo ay maxkamadda geysay haweeneey qoraa ah oo lagu magacaabo E. Jean Carroll.

Haaweneydan ayaa horay ugu eedeysay Trump, inuu fara-xumeeyay sannadihi sagaashamaadki iyadoo Trump uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay.

Sannadki 2019-ki ayay maxkamad ka dacweysay iyada oo ku eedeysay inuu sumcad dilay. Haddaba arrintan ayaa ka wareystay Garyaqaan Amiin Haruun oo ka howlgala gobolka MN. Waxaana marka hore weydiiyay waxa dacwada ay ka kooban tahay.

Maxkamadeynta Trump
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:00 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG