Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Qaraxii ka Dhacay Muqdisho


Inta la xaqiijiyay 80 qof ayaa ku dhintay qarax aad u culus oo saakay ka dhacay isgoyska ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhex qarxiyay bar kontorool oo aad u mashquul badan oo xilligaa ay ku sugnaayeen gaadiid fara badan oo sidday dad shacab ah.

Wariyaha VOA ee Muqdisho Seynab Abuukar Maxamed ayaa faahfaahinta qaraxaasi inoo haysa.

Wararkii ugu danbeeyey ee qaraxa
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:30 0:00

Dadka qaraxa ku nafwaayay ayaa 20 ka mid ah waxaa la soo weriyey iney ahaayeen arday saarnaa gaadiidka dadweynaha oo halkaa marayay kuna sii jeeday goobahooda waxbarasho.

Jaamacadda Banaadir oo kaliya waxaa qaraxa maanta uga dhintay ugu yaraan 12 arday. Wariyaha VOA Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Dr. Mohamed Mohamud Bidey oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir.

Wareysi Dr. Bidey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:10 0:00

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nafwaayey weerarkii maanta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna magacaabay guddi qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeynayo dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi qarax.

Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur ayaa qaraxan iyo qasaaraha ay ilaa iyo haatan ogaadeen waxa uu wax ka weydiiyey Afhayeenka dowladda Ismaaciil Mukhtaar Oranjo.

Wareysi Afhayeenka Dowladda
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:19 0:00

Qaraxaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, hase yeeshee qaraxyada ceynkan oo kale ah ayaa waxaa looga bartay iney gaysato kooxda Al Shabab.

Hadaba, Maxamed Colaad Xassan ayaa saameeynta ammaanka Muqdisho uu ku yeelan karo weerarkani waxa uu ka wareystay Cabdixakiim Shiikh Yuusuf Ceynte oo ka tirsan Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Falanqeynta Qaraxa Maanta ee Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00


XS
SM
MD
LG