Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Turkey oo Dad Dhaawac ah u Qaadday Dalkeeda


Diyaarad millatari oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa maanta gaartay magaalada Muqdisho iyadoo halkaasi ka qaadday 16 qof oo ka mid ah dadka ay soo gaareen dhaawacyada halista ah ee ku dhaawacmay qaraxii wuxuushnimada ahaa ee shalay lala beegsaday isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa waxaa saaran dhaqaatiir Turkish ah oo caawin doona dadka dhaawaca ah saacadaha ay hawada kusii jiraan, ka hor inta aysan gaarin isbitaallada Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde intii aysan diyaaraddu halkaa ka duulin ayaa dowladda Turkey uga mahad celiyey gurmadka caafimaad ee ay u fidisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii shalay.

Qaraxii shalay subax ayaa waxaa ku dhintay 80 qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 125 oo isugu jira kuwa qabo dhaawacyo culus iyo kuwa dhaawacyadoodu fudud yahay.

Dadkii ku geeriyooday qaraxaasi ayaa waxaa ku jiray laba injineer oo u dhashay dalka Turkiga oo ka shaqeynayay dayactirka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Labadan Injineer ayaa meydkooda ay maanta diyaaraddan militeri ee Turkigu ka qaadday magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ku geeriyooday qaraxaasi in ka badan 20 arday oo u badnaa arday dhiganaysay Jaamacadda Banaadir.

Qaraxii shalay oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca, ayaanan jirin cid sheegatay mas’uuliyaddiisa ilaa iyo hadda, laakin dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacidda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, tan iyo sanadkii 2015-kii, Soomaaliya waxaa ka dhacay 15 qarax, 11 ka mid ah qaraxyadaasi ayaa lala beegsaday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo iskuduubka dadka ku geeriyooday weeraradaasi ay gaarayaan boqollaal qof oo u badan shacab.

XS
SM
MD
LG