Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Qaraxii Muqdisho oo Kordhay


Waxaa kordhaya tirada dadka ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Madaxa Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in meydka isbitaalkooda la gaarsiiyey ay gaareyso 81 qof.

Warbixintan iyo war kale oo ku saabsan 16 qof oo ahaa dhaawacii ugu darnaa ee shalay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa ayaa waxaa Muqdisho ka soo diray Xassan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste.

Tirada dhimashada
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:06 0:00

Dhinaca kale, qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii saddexaad ee ugu khasaaro badan ee ka dhaca Soomaaliya marka loo eego tirada dadka shacabka ah ee ku geeriyooday.

Qaraxan ayaa sidoo kale noqday kii labaad ee gaystay khasaaraha ugu badan ee gaara ardayda wax ka barata jaamacadaha Muqdisho.

Haddaba, Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegaysa waxyeellada uu weerarkii shalay gaystay iyo waxa uu kaga duwan yahay weeraradii khasaaraha badnaa ee hore uga dhacay magaalada Muqdisho.

falanqeynta qaraxa Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:17 0:00


XS
SM
MD
LG