Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay farriinta uu Xasan Sheekh u diray madaxda maamul goboleedyada?


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay madaxda maamul goboleedyada dalka 'in aysan siyaasadayn arrimaha muhiimka u ah qaranka' oo ay ka mid yihiin midnimada, madaxbanaanida, qaranimada, amniga qaranka iyo badqabka muwaadiniinta.

Madaxweynaha ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa ku sheegay in dowladda Federaalka 'ay ka go’an tahay in aan la siyaasadeyn wadashaqeynta ay la leedahay maamul goboleedyada dalka' sida dhaqaalaha, horumarinta iyo wax ka qabashada arrimaha bini’aadanimada.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland uu yahay mid aan wanaagsaneyn.

Puntland ayaa dabayaaqadii bishii Maarso sheegtay inay kalsoonidi kala laabtay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib marki uu Golaha Shacabka Soomaaliya ansixiyay wax ka bedelka cutubyo ka mid ah dastuurka kumeel gaarka ah.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada ayaa u qornaa sidan;

Madal

XS
SM
MD
LG