Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Jabuuti ku eedeysay inay marti-geliso xubno dagaal ka kicinaya Awdal


Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan

Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland ayaa ku eedeeyey dalka Jabuuti inay martigelinayaan xubno doonaya inay dagaal iyo dad kicin ka sameeyaan gobolka Awdal.

Wasiirka ayaa sheegaya in Somaliland caddaymo u hayso arrintaas. Warkan waxaa Hargaysa kaoso diray Khadar Maxamed Cakulle.

Somaliland oo Jabuuti ku eedeysay inay marti-geliso xubno dagaal ka kicinaya Awdal
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00

VOA ayaa la xiriirtay wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha ee Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo uu xusay wasiirka warfaafinta ee Somaliland, hase yeeshee ilaa haatan ma aysan noo suurtogelin inaan ku helno khadka telefoonka, hase yeeshee marka ay suurtogasho waan idiin soo gudbinaynaa.

Balse isla wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha ee Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa qoraal uu 1-dii bishan soo dhigay bartiisa X ku sheegay inuu aad uga xunyahay eedaha beenta ah ee aan salka lahayn ee ka imanaya saraakiil ka tirsan Somaliland, sida uu ku sheegay qoraalka Waxa uu ku sheegay qoraalkaas oo kale in Jabuuti ay hoy u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay mar walba tahay iftiinka wadahadalka gobolka ee aysan ahayn meel wax lagu kala qaybiyo.

Waxay uu sheegay in Jabuuti ay mar walba qiimayso wadajirka iyo ka fogaanshaha arrimaha gudaha ee deriska. Sidaas darteed fadlan arrimahiina gudaha Jabuuti hasoo gelinina, ayuu ku yiri qoraalkaas.

Madal

XS
SM
MD
LG