Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo ka hadashay hubka ay Masar gaysay Soomaaliya


Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka digay in hubka la geeyey Soomaaliya uu kasii dari karo colaadda, loona weecin karo argagixisada, sida ay maanta ku warrantay wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii markab laga leeyahay dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay Muqdisho, taasi oo aheyd shixnaddii labaad oo hub ah muddo bil gudaheed, kaddib heshiis amni oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen August.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka rasaasta ay bixinayaan “xoggagga shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka jilicsan, kuna dhammaan doono gacanta argagixisada Soomaaliya,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay keenista hubka, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda.

Wasaaradda ayaa adkeysay in Masar ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay u dhisi lahayd awoodeeda ciidan.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegashada Itoobiya ku tilmaamay mid ay ku qarinayaan “hubka sharci darrada ah ee laga soo geliyo xuduudka Soomaaliya, kaasi oo u gacan galaya shacabka iyo argagixisada.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa 20-kii bishan qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya “ay si kulul u cambaareyneyso shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.”

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii December Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka, in ka badan 30 sano kaddib markii la soo rogay kadib dagaalladii sokeeyey ee dalka ka dillaacay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday kadib markii Addis-Ababa ay heshiis afgarad la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo looga kireynayo dhul badeed 20 km ah, loogana beddelanayo inay aqoonsatao Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska Somaliland ugu yeertay xadgudub ka dhan ah madax-banaanideeda iyo qarannadimadeeda, waxayna sheegtay inay dooneyso in dhammaan ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka dhammaadka sanadkan.

Khilaafkan ayaa Soomaaliya ku dhoweeyey Masar oo muddo sannado ah ay Itoobiya ku muransanaayeen biyo-xireenka weyn ee ay Addis Ababa ka dhisayso webiga Niil.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 3,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, halka qiyaastii 5,000 illaa 7,000 oo askari oo kale ay dalka ku joogaan heshiisyo kale.

Masar ayaa, dhinaca kale, ku yaboohday ciidamo qeyb ka noqday howlgalka cusub ee nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

Faah-faahin dheeraad ah waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaas Xasan.

Itoobiya oo ka hadashay hubka ay Masar gaysay Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:54 0:00

REUTERS

Madal

XS
SM
MD
LG