Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jeneral Asad Cusmaan oo loo magacaabay taliyaha booliska Soomaaliya


Jeneral Asad
Jeneral Asad

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo loo magacaabay Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi.

Asad Cismaan ayaa beddelaya Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin oo xilkan soo hayey tan iyo bishii Janaay ee 2023.

Sulub ayaa isna xalay loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka, xilkaas oo uu horey u hayey inta aan laga dhigin taliyaha booliska.

Xil ka qaadista Sulub ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu munaasabad ka dhacday Muqdisho ugu dalacsiiyey darajada ciidan ee Sarreeye Gaas.

Jeneraal Asad Cusmaan ayaa horey usoo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Wuxuu sidoo kale u tartamay, oo aanu ku guuleysan, xilka madaxweynaha Puntland.

Madal

XS
SM
MD
LG