Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo hub ka dejisay dekadda Muqdisho


Dekadda Muqdisho (Sawir hore oo keyd ah)
Dekadda Muqdisho (Sawir hore oo keyd ah)

Markab xamuul oo Masar ay leedahay ayaa xirmaddii labaad oo hub ah geeyey Soomaaliya, sida ay Isniinta maanta ah xaqiijiyeen saraakiil militari iyo mas’uuliyiinta dekadda Muqdisho.

Hubkan ayaa waxaa ku jira qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda.

Markabka ka yimid Masar ayaa billaabay dejinta hubka maalintii Axadda, sida uu sheegay diblomaasi ay soo xigatay wakaaladda wararka Reuters.

Ciidamada ammaanka ayaa Axaddii iyo Isniinta maanta xiray waddooyinka iyo hareeraha dekadda, iyadoo kolonyo baabuur ah ay hubka u qaadeen dhismaha wasaaradda gaashaandhigga iyo saldhigyo ciidan oo ku dhow, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba ka mid ah shaqaalaha dekedda iyo laba sarkaal oo milateri ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaan weli si rasmi ah uga hadal hubkan. Xubno dhowr ah oo ka tirsan dowladda, oo ay la xiriirtay VOA Somali, waa ay ka gaabsadaan inay ka hadlaan arrintan.

Waa shixnaddii labaad oo hub ah oo Masar ay gayso Soomaaliya bil gudaheed. 27-kii August, diyaarad militari oo Masar ay leedahay ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka dejisay hub iyo rasaas. Labada dal ayaa heshiis amni kala saxiixday bishii August.

Imaatinka hubka ayaa laga cabsi qabaa in uu sii kiciyo xiisadda Soomaaliya iyo Masar kala dhaxeysa Itoobiya.

Xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kacay sababo la xiriira aaminaad la’aanta ay wadaagaan ee ka dhanka ah Itoobiya.

Itoobiya ayaa ka careysiisay Muqdisho kadib markii ay heshiis afgarad la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo looga kireynayo dhul badeed, loogana beddelanayo inay aqoonsatao Somaliland.

Masar ayaa iyana Itoobiya waxay muddo sanado ah isku khilaafsan yihiin biyo-xireenka ay Addis-Ababa ka sameysay webiga Nile-ka, waxayna sidoo kale cambaareysay heshiiska Somaliland.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 3,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, halka qiyaastii 5,000 illaa 7,000 oo askari oo kale ay dalka ku joogaan heshiisyo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska Somaliland ugu yeertay xadgudub ka dhan ah madax-banaanideeda iyo qarannadimadeeda, waxayna sheegtay inay dooneyso in dhammaan ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka dhammaadka sanadkan.

Masar ayaa, dhinaca kale, ku yaboohday ciidamo qeyb ka noqday howlgalka cusub ee nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

Dawladda Itoobiya si deg deg ah ugama jawaabin codsi falcelin oo ay u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters, balse waxa ay hore u sheegtay in aanay fadhiid noqon karin halka “jilayaasha kale” ay qaadayaan tallaabooyin ay ku khalkhal galinayaan xasilloonida gobolka.

Madal

XS
SM
MD
LG