Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo 'gacanta ku dhigtay' shabakad Al-Shabaab ah


Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay hawlgal kusoo qabatay 12 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Hay'adda ayaa sheegtay in kooxdan ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen 'dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baadda ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xilliyada habeenkii ah'.

Sida ay qortay warbaahinta dowladdu, hawlgallada NISA ayaa ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga.

"Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran." ayaa lagu yiri bayaan kusoo baxay warbaahinta dowladda.

Madal

XS
SM
MD
LG