Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-hadallo Turkiga uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya


Fiqi
Fiqi

Soomaaliya ayaa dirtay wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi oo maanta u safray Turkiga, waxaana la sheegayaa in Addis Ababa ay iyaduna Turkiga u dirayso wasiirka Arrimaha dibedda.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in “Dowladda ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Hakan Fidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan wax wada hadal ah la furi doonin Ethiopia, illaa iyo inta Itoobiya ay ka laabanayso heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wasaaradda arimaha dibedda Somalia ayaa VOA u sheegay in Turkigu uu ku cadaadiyay Muqdisho inay si toos ah ula fariisato Ethiopia. Ilahan ayaa sidoo kale sheegay in Addis Ababa ay iyaduna dhinaceeda Turkiga ka codsatay in iyaga iyo Soomaaliya uu dhex-dhexaadiyo.

Horey waxaa dalka Kenya uga dhacay wadahadallo u dhaxeeyay wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Ethiopia, laakiin si toos ah iskuma aysan hor-fadhiisan oo waxaa ukala dabqaadaysay dowladda Kenya, iyadoo dhex-dhexaadintaasina aysan guuleysan.

Haddaba, waxaa shirka labadasi dhinac ka dhigan yahay wax ka weydiinay Dr. Maxamuud Maxamed Culusoow oo ah aqoonyahan ku sugan Muqdisho, degana dalkan Mareykanka. Waxaa wareystay Cabdixakiim Shirwac.

Wada-hadallo Turkiga uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG