Hoosta ka akhriso magacyada iyo taariikh-nololeed kooban ee qaar ka mid ah wasiirada cusub.
- Marwo/Fowsiya Yuusuf X Aadan - Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen / Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:
- Saxaafadda, Tacliinta, iyo Xiriirka Caalamiga ah ku baratay jaamacado caan ah oo ku kala yaalla Dalalka Faransiiska, Suudaan, iyo Maraykanka
- Xilal sare ka soo qabatay safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Maraykanka
- Aasaastay, agaasimena ka noqotay RAAD International iyo RAAD TV.
- Aasaastay, noqotayna hormuudkii ugu horreeyey ee Jaamacadda Hargeysa.
- Mudane/Abdullahi Abyan Nuur - Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Arrimaha Diinta & Awqaafta
- Mudane/Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ahaana Raysal-wasaare ku-xigeen; Guddoomiyihii hore ee Guddiga Abaaraha.
- Maaraynta Ganacsiga iyo Maamulka Guud ee Bulshada ku bartay Jaamacadda Strayer ee ku taalla magaalada Washinton DC ee ku taalla carriga Maraykanka
- Diblumaasi ka tirsanaan jirey safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Maraykanka.
- Ka mid ahaa ergada Soomaaliya u joogi jirtey Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York
- Ku-simaha Qunsulka Guud ka soo noqday sfaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kanada
- Khibrad aqooneed iyo mid shaqo oo ka badan 25 sano u leh maamulka iyo Maaraynta
- Ku hadla afafka Ingiriisiga iyo Carabiga
- Mudane/ Cabdikariin Xuseen Guuleed - Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
- Agaasime-daleed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
- Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD
- Guddoomin jirey Naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin Ururrada ku hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
- Ku hadla Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga
- Mudane/Maxmuud Xasan Suleymaan (Cawil) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta. Aqoonyahan ku takhasusay khibradna u leh maaliyadda iyo qorshaynta:
- Ka qalin jebiyey Jaamacadda Istareeyar Kolleej oo ku taalla Carriga Maraykanka
- Waddamada Sacuudiga iyo Iswiserland uga soo shaqeeyey Bankiga Islaamiga ah ee la yiraahdo Daarul Maal Al-Islaami.
- Soo qaatay tababbarro badan oo xirfadeed oo ku saabsan maaliyadda, maalgashiga, iyo qorshaynta
- Muddo ku dhaw afartan (40) sano ku soo dhex jirey mihnadda maaliyadda iyo xisaabaadka.
- Si wanaagsan ugu hadla luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga
- Mudane/Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. Aqoonyahan khibrad u leh u-saldhigidda iyo kobcinta is-gaarsiinta iyo ganacsiga, ahna sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya
- Ka qalin-jebiyey Kulliyadda Saadka ee ku tiillay Volsk iyo Saratof oo ku yaalla Midawgii hore ee Soofiyeetiga.
- Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) uga soo shaqeeyey dalalka Afqaanistaan, Usbekistaan, Kasaakhistaan, iyo dalal kale
- Khibrad shaqo iyo aqooneed oo ka badan 35 sano u leh mihnadda Is-gaarsiinta casriga ah iyo Saadaalinta Dhaqaalaha
- Mudane/Cabdirisaaq Cumar Maxamed - Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.
- Ka qalin-jebiyey Jaamacadda York University oo ku taalla Carriga Kanada
- Maareeyaha Barnaamijyada ka ahaa xafiis bulshada Soomaaliyeed ee Kanada ku nool looga qaban jirey adeegyada kala ah: caafimaadka, shaqo-helidda, u-doodidda saboolka iwm.
- Agaasime sare ka ahaa Hay’adda Horumarinta Hiiraan oo qalab caafimaad iyo adeegyo kale oo dhinaca dhaqaalaha ah ugu deeqday cisbitaalka weyn ee Beledweyne
- Guddoomiye ka ahaa Hay’adda la yiraahdo “Danta Soomaalida” oo u ol-olayn jirtey wanaajinta xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya
- Si wanaagsan ugu hadla Afka Ingiriisiga
- Mudane/Muxyadiin Maxamed Kaalmooy - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.
- Marwo/Drs Maryan Qaasim - Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada.
- Ka qalin-jebisay Jaamacaddii Umadda Soomaaliya, qaybta caafimaadka
- Tacliinta caafimaadka ka kororsatay Waddanka Nederlaand
- Shahaado Sare oo Caafimaadka Bulshada ah ka qaadatay Carriga Ingiriiska
- Maamullo sare oo dhinaca caafimaadka ah ka soo qabatay dalalka Yemen, Wasaaradda Caafimaadka ee Nederlaand, iyo dalka Ingiriiska
- Khibrad iyo aqoon ka badan soddon (30) sano u leh daryeelka iyo caafimaadka aadamiga
- Si fiican ugu hadasha Afafka: Ingiriisiga, Dhajka, Carabiga, iyo Talyaaniga
- Mudane Maxamud Axmed Xasan - Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wareysiyo iyo warbixin arrintan la xiriira hoosta ka dhagesyo.