Ruushka iyo Maraykanku ayaa si firfircoon u xiisaynaya inay soo jiitaan waddamada Afrika, gaar ahaan kuwa leh kheyraadka iyo macdanta.
Dalka Kenya waxaa maalmahan ugu dambeeyeyba saamayn xooggan ku yeeshay roobab waaweyn oo ka da’ayey, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.
Ugu yaraan 42 dhimasho ah ayaa la diiwaan galiyay kadib markii uu cudurka jadeecada ka dillaacay muddo toddobaad gudihiis ah gobolka Adamawa ee waqooyi bari Nigeria, sida uu sheegay guddoomiyaha caafimaadka ee gobolkaas Jimcihii.
Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhiga Maraykanka.
Zambia ayaa markii ugu horraysay muddo toban sano ah waxay horumar ka samaysay heerka ay ka joogtay halbeegga cabbirka musuq-maasuqa caalamka, sida ay sheegay hay’adda Transparent International Qaybteeda Zambia.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya iyo Ururka Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas ayaa Arbacadii sheegay, in tirada dadka ku dhintay daadadka ka dhacay Kenya tan iyo bishi March ay gaareen 181 ruux.
Marka loo eego warbixinta ay soo saartay Transparent International sannadkii 2023, inta badan waddamada Afrika waxay muujinayaan fadhiidnimo ama inay ku guuldaraysanayaan inay horumar ka sameeyaan la-dagaalanka musuq-maasuqa.
Xukuumadda ay milatarigu maamulaan ee dalka Mali ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen Abu Xuzeifa oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda la baxday Dowlada Islaamka, intii lagu gudo jiray hawlgal wadajir ah oo ay la sameeyeen dalalka Burkina Faso iyo Niger.
Waxaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo geba-gebeeyay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bankiga Adduunka ee 𝐈𝐃𝐀, iyo madaxda Afrika kaasoo looga hadlay sidii loo maalgalin lahaa wadamada Africa.
Dawladda Nigeria ayaa ka fikiraysa inay soo bandhigto ciidamo boolis ah oo ka hawlgala 36-ka gobol ee dalkaas, arrintaas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xallinayo weerarada kooxaha xagjirka ah, afduubyada iyo falalka tuugada ee dalkaas ka dhaca.
Barnaamijka Ileyska VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay qeyb labaad oo ka mid ah colaadda sanad jirsatay ee dalka Sudan. Qeybtan waxay si gaar ah ugu saabsan tahay dadaallada xal loogu raadinayo dagaalka iyo caqabadaha haysta.
Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay kadib markii biyo-xireen ku yaalla galbeedka dalkaasi uu darbiyada jabsaday, guryana uu qaaday, isla markaana uu jaray waddo weyn.
Kuwo kale