Ruushka iyo Maraykanku ayaa si firfircoon u xiisaynaya inay soo jiitaan waddamada Afrika, gaar ahaan kuwa leh kheyraadka iyo macdanta.
Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhiga Maraykanka.
Dibad-baxayaal taageeraya Falastiiniyiinta ayaa qabsaday dhismo ku yaalla Jaamacadda Columbia Talaadadii iyaga oo ka mudaaharaadaya dagaalka ay Israa’iil ka waddo Qaza.
Booliska magaalada New York ayaa galay jaamacada Columbia fiidnimadii Talaadada, iyagoo isku dayaya in ay kala eryaan mudaaharaadayaal taageersan Falastiin, kuwaas oo qabsaday dhismeyaal ka mid ah fasallada Jaamacadda muddo laba todobaad ah.
Afar askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Maraykanka ayaa la dilay, afar kalena waa la dhaawacay xilli ay ku guda jireen inay amar maxkamadeed u gudbiyaan eedaysanayaal ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Charlotte ee gobolka North Carolina. sida ay saraakiishu sheegeen.
Koongareeska Mareykanka oo ah laanta sharci-dejinta ee dawladda Mareykanka ayaa mas’uul ka ah soo jeedinta iyo ansixinta sharciyada heer qaran.
Dadka Maraykan ah ee asalkoodu qaaradda Asia ka soo jeedo ayaa hadda ah cod-bixiyeyaasha ay tiradoodu ugu korriinka badan tahay, sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi-baarista ee Pew.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii shalay u saxiixay Israa'iil xirmo gargaar ah oo dhan 26 bilyan oo dollar, xilli ay jiraan baaritaanno dheeraad ah oo ku aaddan in milateriga dalkaas uu la kulmayo heerarka xuquuqda aadanaha ee Mareykanka.
Barnaamijka Amuuraha Mareykanka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay maxkamadeynta madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo ka socota degmada Manhattan ee magaalada New York.
Kuwo kale