Kumanaan dadka reer Ethiopia ah oo baroor diiqayay ayaa isugu soo baxay jidadka maanta oo arbaca Magaalada Addis Ababa, markii halkaasi la geeyay meydka Ra’isul Wasaarihii dalkaasi Meles Zenawi, kaasoo isagoo 57 jir ah ku geeriyooday cusbital ku yaala magaalada Brussels.
Kooxda Baambeyda ee Milatariga ayaa u garaacay muusikada baroor diiqda iyadoo naxashka meydka Ra’isul Wasaaraha oo lagu dahaaray calanka Ethiopia laga soo dejiyay dayuurad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines saacadihii hore ee saakay.
Xafladaasi baroor diiqda ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay siyaasiyiin, saraakiil Milatary, hogaamiyeyaasha dhinaca diinta ee Ethiopia iyo sidoo kale diplomaasiyiin caalami ah.
Sida ay sheegtay dowladda Ethiopia ku xigeenkii Ra’isul Wasaaraha Hailemariam Desalegn, oo 47 sano jir ah , oo dalkaasi wasiirka arimaha dibadda ka soo ahaa tan iyo sanadii 2010kii, ayaa la wareegi doona awoodda dalkaasi si ku meel gaar ah.
Meles ayaa geeriyooday habeenkii salaasada ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanayay, oo aanu ka soo muuqan fagaarayaasha tan iyo markii uu ka qeybgalay shirweynihii dalalka G20 ee lagu qabtay dalka Mexico bishii June ee sanadkan.
Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee la aasayo Ra’isul Wasaaraha inkastoo ay socoto qabanqaabada aaska.
Madaxda dunida ayaa u tacyiyeysay shacabka Ethiopia iyo qoyskii uu ka geeriyooday Ra’isul Wasaaraha.
Madaxda tacsida dirtay ee ka hadashay waxaa ka mid ahaa Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon oo sheegay in Meles lagu xasuusan doono inuu ahaa hogaamiye hormuud ka ahaa arimaha Africa iyo kobcinta dhaqaalaha dalkiisa .
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isna ku tilmaamay Meles hogaamiye u qalmay in lagu aqoonsado kaalintii uu ku lahaa la dagaalanka saboolnimada ee Ethiopia.
Sidoo kale madaxweynaha Somalia Sharif Sheekh Axmed ayaa shalay tacsi taa la mid ah diray isagoo ku tilmaamay Meles hogaamiye Africa ka baxay, oo ay isku fiicnaayeen waqtiyadii ugu dambeeyay inkastoo marxalado kala duwan isla soo mareen.