Mas’uulyiinta maamullada degaamadii dhowaan laga saaray ururka al-Shabab ayaa ku baaqay in gargaar bani’aadminnimo lala soo gaaro dadka rayidka ah oo ay sheegeen inay la il-daran yihiin sannado badan oo isugu jira duruufo adag oo nololeed iyo go’doon. Xaaladda bani’aadminnimo waxaa sii adkeeyey xayiraad ay al-shabab kusoo rogtay goobahaas iyo jidadka oo aan la mari Karin.
Warbixin arrintaas ku saabsan oo uu noo soo diray wariyaheena Baydhabo Mukhtaar Maxamed Catoosh ka dhageyso xagga hoose.