Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Woqooyiga Ameerika ayaa kulan ku yeeshay magaalada Minneapolis ee Gobolke Minnesota, Golaha Imaamyada ayaa ka soo horjeestay barnaamijka CVE oo ay dawladda Maraykanku kula dagaalamayso arrimaha xagjirnimada, iyaga oo sheegay inuu yahay mid dhibaato ku ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Maraykanka.
Maxamuud Mascadde ayaa waraystay Dr. Cabdiraxamaan Shiikh Cumar Guddoomiyaha Golaha shuurada ee Golaha Imaamyada, ugu horrayna wuxuu weydiiyey qodobada lagaga hadlay kulanka culimadu isugu timi.