Magaalada Kismaayo waxaa galabta lagu caleemo-saaray madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo dhawaan ay soo doorteen baarlamaanka maamulka Jubbaland.
Waxaa xafladda caleemo-saarka ka qeybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, RW Soomaaliya Cumar Sharmaarke, iyo madaxda Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, C/wali Gaas, C/kariin Xuseen iyo Shariif Xasan.
Sidoo kale waxaa ka qeybgalay, Wasiirka Arr. Dibedda Ethiopia, xubno ka socday baarlamaanka Kenya oo u hoggaaminayay Adan Ducaale iyo wakiilka XGQM ee Somalia Nick Kay.