Xafiiska Sheriffka ee degmada Hennepin ee gobolka Minnesota ayaa abaal-marin guddoonsiiyey Axmed Cabdi Ismaaciil oo ah tababare kubadda cagta ah, kaas oo leyliya dhalinyaro Soomaalida Maraykanka ah oo da'doodu u dhaxayso 6-18 sano. Xafiiska ayaa sidoo kale dad kale abaal-marin siiyey.
Haddaba wariyaha VOAda Maxamuud Masacadda ayaa wareysi la yeeshay tababare Axmed iyo Cabdi Maxamed oo ka mid ah xafiiska Sheriffka. Waxa marka hore dareenkiisa ka hadlaya Tababare Axmed.