Ku soo dhowaada barnaamijkii Wicitaanka Dhegaystaha oo ku saabsan doorashooyin kale duwan oo sanadkan gudihiisa ka dhacay dalal ku yaalla qaaradda Afrika iyo dooddo badan oo hareeyey is xunka Afrika kaddib markii ay soo baxeen hoggaamiyeyaal badan oo weli doonaya in ay xukunka baaqi ku sii ahaadaan, waxaana marti ku ah agaasimaha mashaariicda gaarka ah ee bankiga horumarinta Afrika Dr. Cabdiraxmaan Beyle horreyna u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa innala socodsiinaya.