Maanta oo ah kowda bisha December, waa maalinta ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO uu u aqoonsaday maalinta AIDS-ka oo ah maalin ka warqabka iyo taxaddarka cudurkan sare loo qaado.
Tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 1988-kii, ayaa si weyn maalinkan looga xusayey adduunka.
37 Milyan oo qof ayaa la nool xanuunka AIDS-ka, waxaana 26 Milyan oo ka mid ah dadkaas ay ku nool yihiin waddamada Africa ee saxaraha ka hooseeya.
Daraasad la sameeyey ayaa muujinaysa in dadka daawada billaaba marka xanuunkan uu qofka ku cusub yahay, ay aad u hoosayso fursadda ah inay cid kale xanuunkan sii qaadsiiyaan, taas bedelkeedana ay xaalad caafimaad oo wanaagsan ku noolaadaan.
Aamina Maxamed waxa ay ka mid tahay 37 milyan ee la nool cudurka. Wariyaheena magaalada Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac, ayaa la kulmay oo xaaladeeda nololeed ka wareystay.