Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha Milatariga Italy Oo Muqdisho Booqday


Claudio Graziano
Claudio Graziano

Waftiga Talyaaniga iyo dowladda Somalia ayaa ka hadlay sidii dowladda Talyaaniga uga qeyb qaadan lahayd dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada milatariga dalka Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo ay ka mid yihiin saraakiil sare, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa Muqdisho kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ku xigeenkiisa Maxamed Cumar Carte, wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Cali Diini iyo taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay dowladda Talyaaniga uga qeyb qaadan lahayd dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho kadib kullanka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afagarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Dowladda Talyaaniga ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dhowaanahan wadeen dalal badan oo Yurub ah oo la doonayo in lagu xoojiyo tayada ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Taliyaha milatariga Talyaaniga oo tagay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:06 0:00


XS
SM
MD
LG