Hoggaamiyaha Korea-da Woqooyi Kim Jong Un ayaa maanta sheegay in dalkiisa uu dhowaan tijaabin doono madaxyada hubka nuclear-ka iyo gantaalaha riddada dheer.
Hanjaabaddan ugu dambeysay ayaa waxa ay la socotaa jawaabaha ay Pyongyang dhowaanahan ka bixineysay cunaqabateyno cusub oo adag oo QM ay kusoo rogtay, waxaana ay u muuqataa farriin loo dirayo kuwa weli shakiga ka qaba awoodda Nuclear ee Korea-da Woqooyi.
Wakaaladda wararka dowladda Korea-da Woqooyi ee KCNA ayaa ku warrantay in Kim uu amray tijaabooyinkan dheeriga ah ee nuclear-ka, xilli uu daawanayey diyaar garowga loo sameynayey tijaabada gantaalada riddada dheer.
Sida ay ku warantay KCNA, Kim ayaa sheegay in tijaabada looga dan lee yahay in lagu sii dheereeyo isku haleynta Korea-da Woqooyi ee awooddeeda Nuclear.
Dalalka Korea-da Koonfureed iyo Japan ayaa labaduba ku booriyey Korea-da Woqooyi inay ka fogaato inay xadgudubyo dheeri ah ku sameyso xanibaadaha QM ee saaran.