Maamulka Puntland ayaa xalay xasbiga magaalada Garoowe u gudbiyay dhalinyaro maxaabiis ah oo al-Shabaab ah oo maamulku uu sheegay inuu ku soo qabtay dagaalkii ka dhacay togga Suuj iyo Garmaal ee gobolka Nugaal.
War saxaafadeed ka soo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in maxaabiistan ay tiradoodu dhan tahay 35 dhalinyaro ah, oo 4 kamid ah ay dhaawac yhihiin.
Maamulka ayaa warbaahinta u soo bandhigay maxaabiistan iyo waliba maydad uu maamulku sheegay inay ahaayeen maleeshiyadii al-Shabaab ee lagu dilay dagaal ka dhacay Axaddii togga Suuj ee deeggaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.
Maxaabiistan ayaa ah dhalinyaro da’yar oo maamulku sheegay inay da’doodu u badan tahay 13 ila 17 sanno jir.
Maamulka Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay inuu soo afjaray dagaalkii ay la galeen maleeshiyada al-Shabaab ee Puntland xeebaha ka soo galay, gaar ahaan dhinaca Nugaal, halkaasina ay ku dileen 71 ka tirsan al-Shabaab. Muxyadiin Axmed Muuse, oo ah general ka tirsan ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkii togga Suuj uu soo dhammaaday.
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo isna shalay ku noqday Garoowe, ayaa ku celiyay in Puntland ay isku filan tahay oo ay iska cabin karto al-Shabaab, balse wuxuu sheegay in Puntland ay u baahan tahay inay dhinaceeda ka hesho dhaqaalaha lagu bixinayo amniga Somalia oo ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab,
Si kastaba ha noqoteen maydadka ay Puntland soo bandhigtay iyo waliba maxaabiista ay qabatay ayaa dhabarjab ku noqonaya maleeshiyada al-Shabaab ee Puntland soo galay oo aan tiradooda aa si rasmi ah loo oggeyn, waxaana Puntland ay wacad ku martay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u soo afjari doonto maleeshiyada al-Shabaab ee iyagu imika ku sugan dhinaca deeggaanka Garacad ee gobolka Mudug.