Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin laga soo Bad-baadiyay Badda Meditarrean-ka


Talyaaniga ayaa sheegay in biyaha Libya laga soo bad-badaadiyay 2,500 oo muhaajiriin ah.

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in muhaajiriintan ay saarnaayeen 14 doonyaha cinjirka ka sameysan iyo dooni wayn.

War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in maraakiiib Malta iyo Irish ay leeyihiin ay dadkan soo bad-baadiyeen. Sidoo kale markab xamuul ayaa ka qeybqaatay bad-baadda dadkan.

Maraakiibtan Malta iyo Irish ayaa qeyb ka ah howlgalka caalamiga ah ee lagu joojinayo in dad badan ay badda ku dhinteen.

QM ayaa sheegtay in sannadkan 30-kun oo muhaajiriin ah, oo intooda bada ka yimid waddamada Sahara ka hooseeya laga sooo bad-baadiyay badda Mediterranean-ka, kuwaasoo la keenay xeryo qaxooti ah oo ku yaalla Talyaaniga.

Talyaanigu wuxuuu sheegay in cimilada badda Mediterranean-ka oo sii fiicnaanaysaa ay sababtay in tirada muhaajiriinta tahriibayaa ay kororto.

XS
SM
MD
LG