Guddoomiyihii golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa iska casilay xilkii guddoomiyenimo ee golahaas.
Cirro ayaa go’aankan maanta ka hor sheegay fadhigii maanta ee golaha wakiillada, iyadoo dhammaan mudanayaashii fadhiga ka soo xaadiray ay ku raaceen.
Xil ka tegistiisa ayuu ku sababeeyay doorashada soo socota ee madaxtooyada oo uu xisbigiisa Waddani ugu sharaxan yahay madaxweyne.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo goobjoog ka ahaa fadhigii maanta ee Golahaas, ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.