Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea-Man City Yaa Badin Doona?


Manchester City v Chelsea - Premier League
Manchester City v Chelsea - Premier League

Galabnimada Sabtida iyo habeenkeedaba waxaa dhici doona kulamo xiisa leh oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Ciyaarta isha lagu hayo ayaa ah tan fiidkii dhex mari doonta kooxaha Chelsea iyo Manchester City.

Chelsea waxaa u safan doona laacibkooda Eden Hazard oo aanan si toos ah u safan tan iyo marki uu kasoo kabsaday dhaawac uu muddo bilooyin ah garoomada uga maqnaa. Waxaa kale oo safan doona Perdo oo keydka fadhiyay ciyaarti todobaadki hore.

Laakin Chelsea waxaanan u ciyaari karin David Luiz oo ganaax ku maqan, iyo Danny Drinkwater oo dhaawacan.

Dhinaca Manchester City waxaa ka maqnaan doonaa gooldhaliyahooda Sergio Aguero oo ka jabay feerta kadib marki uu shil la galay baabuur gudaha magaalada Amsterdam Khamiistii.

Waxa sidoo kale dhaawac muddo dheer ah uga maqnaan doona daafacooda Benjamin Mendy iyo Vincent Kompany.

Ciyaaraha kale ee Sabtida waxay kooxuhu u dheelayaan sidan:

Huddersfield Town ? - ? Tottenham Hotspur
Bournemouth ? - ? Leicester City
Manchester United ? - ? Crystal Palace
Stoke City ? - ? Southampton
West Bromwich Albion ? - ? Watford
West Ham United ? - ? Swansea City

XS
SM
MD
LG