Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaawacyadii la geeyay Sudan oo cabanaya


Qaraxi Zoobbe
Qaraxi Zoobbe

Dadka ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdishu ee daaweynta loo geeyey dalka Suudaan ayaa sheegaya inaysan saacado badan helin daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa kadib markii lagu daadiyey goob cisbitaal ah oo aan ku habboonayn baahidooda.

Dhaawacyadaasi oo lasoo xiririray idaacdad VOA ayaa sheegay in muddo ka badan hal maalin aanan lagu mudin wax xanuun baabi'in ah isla markaana qaarkood ay weli ku xiran yihiin faashadihii ay kala tageen magaalada Muqdishu.

Dadkaasi waxaa Suudaan gaysay dalwadda Qadar. Khadka telefoonka ee Khartuum ayaa Haaruun Macruuf uu kula xidhiidhay laba ka mid ah bukaanka, ugu horrayna waxaa hadlaya Maxamed Cabdi oo ku dhaawacmay Hoteelka Safaari.

Dhageyso cabashada dhaawacyada Sudan
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:53 0:00


XS
SM
MD
LG