Taliyayaasha milatariga ee AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka shiray qorshayaasha milatari ee la sheegay inay socdaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Kulankan ayaa yimid toddobaad kadib qaraxii Zoobe ee shacabka badan lagu laayey, waxaana socda dadaallo dowladda ku dooneyso inay dagaal ku qaaddo kooxda Al-Shabaab.
Gabagabadii shirkaasi ayaa taliyayaashu ay la hadleen saxaafadda. Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.