Soomaaliya ma laheyn Bangiga “Kayd-ka Dhiiga” taniyo burburkii waddanka, waxaana dadka ay fikrado khaldan ka haysteen qaarkood inay ku deeqaan dhiigooda, gaar ahaana xiliyo adag oo qaraxyo iyo dhibaatoyin xoogan ay jireen.
Haddaba, arrintaasi ayaa wax iska bedeshay kadib markii dhallinyaro u badan dhaqaatiir ka qalin jabiyey qeybaha caafmaadka ee Jaamacadaha Muqdisho oo iskood isu abaabuley, ay suura geliyeen in boqolaal dad ah oo mutadawaciin ah ay iskood u tagaan Isbitaalada si ey dhiiggooda ugu deeqaan dadkii wax ku noqday Qaraxii 14 kii Bishan, Muqdisho ka dhacay.
Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan gaar ah ka diyaarisey arrintaas.