Laba qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa ku dhintay qarax iyo rasaas ka dambaysay oo ka dhacday deegaanka Carbiska ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Saraakiisha dawladda Soomaaliya iyo goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay inay dhinteen laba qof oo rayid ah oo uu ku jiro macallin iskuul, isla markaana ah suxufi ka hawlgala idaacad ku taalla magaalada Afgooye. Waxaa kale oo rasaasta ku dhintay nin ka mid ah odayaasha deegaanka.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa u sheegay idaacadda VOA in askari ka tirsan AMISOM uu ku dhintay qarax lala beegsaday ciidamadooda xilli ay ku jireen hawlgal deegaanka carbiska.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay rasaas fureen isla markaana ay dileen afar ka tirsan Al-Shabaab.
Jaamac Buulle Jaamac ayaa sida ay wax u dhaceen ka waraystay Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalin Macalin Ibraahim.