WASHINGTON. D.C —
Alla ha u naxarariistee, waxaa shalay magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Abshir Muse oo loo yaqaanay Haamaan, kana mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Faah-faahinta geerida jeneraalka, waxaa warbixintaan ka diyaarisay Sahra Cabdi Axmed.