Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warkii ugu Dambeyey ee Qaraxyadii Muqdisho


Qarax
Qarax

Kooxo hubeysan ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday hotel Naasa-hablood Laba oo ku yaalla degmada Xamarweyne, gelinkii dambe ee maanta.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarrunta hotelka, ka dib weerarka ismiidaaminta.

Ugu yaraan 10 ruux ayay wararka horu dhaca ah ay sheegayaan inay ku dhinteen weerarkaasi, iyo qarax kale oo ka dhacay meel u dhow xarruntii hore ee baarlamaanka.

Dadka dhintay waxa ku jira Col. Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) oo ahaa taliyihii ciidamada booliska degmada Dayniile iyo Cabdinasir Gaarane, oo ka mid ahaa xildhibaannadii hore ee baarlamaanka.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco VOASomali.com.

Dhageyso Wabrixinta Qaraxyada Xamar
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:10 0:00

XS
SM
MD
LG