Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax ka dhacay xalay deegaanka Danida ay ku dhinteen ugu yaraan lix ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Warar aanu ka helnay saraakiisha dawladda iyo dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu dhacay xilli la dhigayey meel u dhow buundo ku taalla degaanka Danida oo u dhexeeya Balcad iyo Afgooye.
Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof oo la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Dadka deegaanka waxay sidoo kale sheegeen in halka qaraxu ka dhacay ay u dhowdahay goob toddobaadkii hore uu ka dhacay qarxa kale oo lala beegsaday babauur siday khudaar oo ay ku dhinteen lix qof oo ka ganacsada wax soo saarka beeraha.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay dhiamshadu gaarayso 8 qof.
Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa qaraxan ka waraystay guddoomiyaha Balcad Qaasim Cali Nur.