Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Reer Hobyo oo Soo Dhaweeyey Dhismaha Dekadda


Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay soo gaba gabeeyey safar laba toddobaad ah oo uu ku tagay gobollada waqooyi bari iyo bartamaha Soomaaliya ayaa shalay lugtii ugu dambaysay safarkiisa waxa uu ku tagay magaalada Hobyo. Waxa uu halkaasi ka furey mashaariic dhowr ah, waxana kuwii uu dhagax dhigay ka mid aheyd dhismaha dekadda Hobyo.

Dadweynaha Hobyo ayaa sheegay in dhismaha iyo dib u furista dekadda ay muhiim tahay, oo ay wax weynna ka beddelayso nolosha dadka. Warbixintan waxaa noo soo diray Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq oo ku sugan magaalada Hobyo.

Dhagax dhigga Dekadda Hobyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:30 0:00

XS
SM
MD
LG