Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Taliyayaal Ciidan oo La Magacaabay


Kulan ay golaha wasiirada maanta Muqdisho ku yeesheen, ayaa waxa lagu magacaabay taliyayaasha booliiska, nabad sugidda iyo asluubta.

Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo magagacaabay Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo horey u ahaa taliye xigeenka booliiska.

Taliyaha Asluubta ayaa loo magacaabay Jenerala Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe, oo horey xilkaasi mar u soo qabtay, ka hor inta aaney isla dowladdan xilka ka qaadin sanad ka hor.

Agaaismaha Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen, oo hore u soo noqday wasiir ku xigeennada ammaanka iyo caafimadka. Xuseen, sidoo kale hadda waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Warbixintan waxa Muqdisho ka soo diray wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Dhageyso Taliyayaal la magacaabay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:49 0:00

XS
SM
MD
LG