Sicir-bararka ka jira suuqyada Somaliland ayaa saameeyn xooggan ku yeeshay nolosha bulshada, iyadoo xukuumadda Somaliland ay soo saartay go'aanno ay u aragto inay xal yihiin, balse aan wali dhaqan-gelin.
Dad-weynaha ku dhaqan Hargeysa, gaar ahaan ganacsatada suuqyada, ayaa ka cabanaya dhibaato uu ku hayo isku-beddelka lacagaha iyo sidoo kale hawl-gallo ay dawladda hoose kaga dumisay goobo ay ku ganacsanayeen. Weriyaha VOA, Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa warbixintan ku eegaya arrimahaas.