Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abiy Ahmed oo loo dhaariyey Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia


Abiy Ahmed ayaa maanta loo dhaariyey inuu noqdo ra’iisul wasaraaha cusub ee dalka Ethiopia.

Isbaheysiga talada haya ayaa toddobaadkii tagay u doortay Abiy inuu noqdo guddoomiyahooda, taasi oo dhabbaha u xaartay inuu noqdo ra’iisul wasaarihii saddexaad ee dalkaas, muddo 23 sano ah.

Ahmed, oo 41 jir ah, ayaa beddelaya Hailemariam Desalegn, oo iscasilay bishii Febraayo, xilli ay dalka ka jiraan xiisado siyaasadeed.

Safaaradda Mareykanka ee Ethiopia ayaa bayaan ku sheegtay inay bogaadineyso “awood kala wareegidda nabdoon ee ee lagu dabaqay dastuurka Ethiopia”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia, islamarkaana uu u hambalyeeyey.

Waxa uu sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xiririka labada waddan, maalgashiga iyo amniga gobolka.

Abiy, oo ay iska dhaleen hooyo kirishtan ah iyo aabe muslim ah, ayaa kasoo jeeda qowmiyadda ugu tirade badan Ethiopia ee Oromada, waxaana magacaabistiisa loo arkaa inay qabooji karto xiisadda ka dhex oogan dowladd iyo qowmiyaddaas.

Dhageyso Dhaarinta Abiy Ahmed
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:38 0:00

XS
SM
MD
LG