Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Finalka Tartanka BBA: Somalia v Tanzania


Somali under17 national football team
Somali under17 national football team

Xulka kubada cakta Soomaaliya ee ay da,diisu ka hooseyso 17-ka sano ayaa lagu wadaa in maalinta birrito ah ay ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa la ciyaaraan dhigooda Tanzania.

Dhalinyarada Soomaalida waxay wareegi semi-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay 2-1 uga soo badisay Kenya.

Inti uu socday tartankan, ayay Soomaalia kasoo wada badisay xulalka Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burudni oo ay barbarro galeen.

Haddii xulka Soomaaliya uu ku guuleysto koobkan, wuxuu noqonayaa marki ugu horreysay oo uu xul Soomaaliyeed ku guuleysto tartan ka tirsan kuwa qaarada Africa.

XS
SM
MD
LG