Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zidane oo yareeyey cabsida dhaawac ee Ronaldo


Ronaldo
Ronaldo

Tababareha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa hoos u dhigay walaaca dhaawac ee laga qabo Cristiano Ronaldo, kadib markii laga saaray cayaartii El Clasico ee xalay.

Anqawga Ronaldo ayaa u muuqday mid uu ku istaagay daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique markii uu dhaliyey goolkii Real ee cayaarta ka dhigay 1-1, daqiiqaddii 15-aad.

33 jirkaas ayaa u muuqday mid hintinaya hase yeeshee waxa uu dhameystay qeybtii koowaad ee cayaarta, markaasi oo uu kadib beddelay Marco Asensio.

Kooxda Real Madrid ayaa cayaarta kama dambeysta ah ee koobka horyaallada Yurub waxay 26-ka bishan kula dheeli doontaa magaalada Kiev kooxda Liverpool.

“Xaaladdiisa hadda ma wanaagsana, hase yeeshee waxaan filayaa inuu yahay dhaawac fudud, waxay ahayd kaliya dhaqaaq xun oo uu sameeyey” ayuu yiri Zidane.

XS
SM
MD
LG