Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Salaasadi si rasmi ah ugu dhawaaqay in Mareykanka uu ka saaray heshiiski caalamiga ahaa ee Nukliyeerka Iran.
Isaga oo ka dhex-hadlayay qolka diblamaasiyadda ee Aqalka Cad, ayuu Trump sheegay in heshiiskani yahay mid liita oo hal dhinac ahaa, isla markaana ay mudneyd inaanan marnaba la gelin.
Haddaba maxaa saldhig u ah go’aanka Trump, maxaase ka dhallan kara. Waa qodobka barnaamijka faaqidaadda toddobaadka, waxaana soo jeedinaya Maxamed Cabdi Xasan.