Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arsenal oo xiiseyneysa Jean Michel Seri


Jean Michael Seri
Jean Michael Seri

Kooxda Arsenal ayaa xiisaneysa saxiixa cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Nice, Jean Michael Seri, sida ay sheegeen ilo-wareedyo kooxda ku dhow.

Seri ayaa waxa uu kooxdiisa kula jiraa heshiis u ogolaanaya inuu ka tago, haddii ay hesho yabooh lacageed oo gaaraya 35 milyan oo gini ama ka badan.

Laacibkan dalka Ivory Coast ayaa xagaagii tagey qarka u istaagay inuu ku biro naadiga Barcelona, markaasi oo madaxa howlgallada cayaaraha ee Arsenal Raul Sanllehi uu ku sugnaa Camp Nou.

Sidoo kale macallinka cusub ee Arsenal, Unai Emery ayaa isku dayay inuu lasoo saxiixdo xiddigan bishii Janaayo, markaasi oo uu macallin u ahaa naadiga Paris Saint Germain.

Arsenal ayaa dooneysa cayaaryahan qadka dhexe ka cayaara oo beddel u noqda Santi Cazorla, oo ka tagey kooxda.

XS
SM
MD
LG