Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa soo geba gebeysay saxiix ku kacaya 43.7 milyan oo gini oo ay kula soo wareegtay cayaaryahankii qadka dhexe ee kooxda Monaco, Fabinho.
Xiddiga reer Brazil ayaa saxiixay qandaraas afar sano ah.
24 jirkan, oo afar kulan u saftay dalka Brazil, ayaa si rasmi ah ugu biiri doono naadiga Liverpool, 1-da bisha July, kadib markii uu si guul leh shalay u maray caafimaadka kooxdiisa cusub.
Liverpool ayaa bixisay 39.3 milyan oo gini, waxayna sidoo kale bixin doontaa 4.4 milyan oo gini, oo la xiriira hab cayaareed wanaagga laacibkan.
Tababaraha koxoda Liverpool, Jurgen Klopp ayaa aaminsan in Fabinho uu leeyahay awood cayaareed oo uu boosas badan ugu buuxin karo kooxda Liverpool.
Ka sokow qadka dhexe, Fabinho wuxuu ka cayaari karaa garabka midig ee daafaca.