Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man United oo u dhow saxiixa Diogo Dalot


Diogo Dalot
Diogo Dalot

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhow saxiixa cayaaryahanka garabka midig ee daafaca uga cayaara kooxda Porto, Diogo Dalot.

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya garable beddel u noqda cayaaryahan Antonio Valencia oo da’du ay ka daba timid, halka Matteo Darmian la filayo inuu ku biro Juventus.

Dalot, oo 19 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu leeyahay heshiis nasakh dhan 20 milyan oo Euro, kaasi oo haddii kooxda United ay bixiso ay lasoo wareegi karto.

Laacibkan ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay kooxda Porto bishii Febraayo, waxaana hadda uu doonaya inuu ku biiro macallinka ay isku waddanka yihiin ee Jose Mourinho.

Heshiiska ayaa la filayaa in lasoo geba-gebeeyo maalmaha soo socda.

XS
SM
MD
LG