Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo dhul lagu murunsanaa siisay Eritrea


Dowladda Ethiopia ayaa talaadadii ku dhawaaqday in ay Eritrea siin doonto dhul muddo lagu murunsanaa.

Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hogaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu xukmay xuduudda kala qeybisa Eritrea iyo Ethiopia.

Beesha caalamka ayaa taageertay go’aankan oo la saxiixay sanadii 2002, waxaana labada dhinac ay ogolaadeen inay u hogaansamaan xeerarka golaha xuduudaha ee QM.

Hase yeeshee Ethiopia ayaa is-hortaagtay kala qeybinta xuduudda, waxaana taas ay dhalisay 16 sano oo xiisad colaadeed ah iyo dagaallo dhex-maray labada dal ee deriska ah.

EPRDF ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen talaadadii uu yimid kadib markii ay dib u eegeen xaaladda Ethiopia iyo Eritrea, sidaas darteedna ay go’aansadeen in la joogteeyo nabadda dadka labada dal.

Magaalada Badme oo xuddun u ahayd dagaalka labada dhinac ayaa guddiga siiyey Eritrea, waxaana sanado badan kadib ay Ethiopia hadda aqbashay in Eritrea ay qaadato magaaladaas.

XS
SM
MD
LG