Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta ka badbaaday weerar bamba gacmeed oo lagu weeraray goob uu dad isu soo baxay kula hadlayay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Weerarka ayaa dhacay wax yar ka dib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu dhameeyay khudbad uu u jeediyay kumanaankun qof oo isugu soo baxay fagaaraha Meskel ee bartamaha Addis Ababa.
Dad 80 kor u dhaafaya ayaa weerarkaasi ku dhaawacantay.
Sahra Cabdi Axmed ayaa weerarkaasi warbixintan nooga diyaarisay.