Dowladda Djibouti ayaa sheegtay inay si weyn uga naxday baaqii dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta hubka laga qaado Eritrea oo Djibouti colaad aan weli xal laga gaarin kala dhaxeyso.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaas ka sheegay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea oo uu toddobaadkan ku tagey booqasho qaadatay saddex maalmood.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka Taleefanka Djibouti kula xiriiray Safiirka Djibouti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan.