Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buuhoodle: Labo ku Dhimatay Qarax Ismiidaamin


Gaarigii ay saarnaayeen raggii la weeraray.
Gaarigii ay saarnaayeen raggii la weeraray.

Wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in qarax uu caawa fiidki ka dhacay magaalada Buuhoodle.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ismiidamain ah, waxaana lala begesaday baabuur ay saarnaayeen laba nin oo siyaasiyiin ah, kuwaas oo ka soo baxay masaajid oo ay ku soo cibaadeysteen.

Labada nin ee lagu dilay qaraxan ayaa lagu kala sheegay Cabdifataax Maxamed Cali oo hore ugu soo shaqeeyey dawladdii Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Khaatumo.

Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in qofka weerarka gaystay uu ahaa qof isa soo midaamiyey.

Afar qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka.

Dhageyso Dilka Buuhoodle
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00

XS
SM
MD
LG